Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar xagga cirka ah uu Sabtidan ka dhacay deegaanka Hees oo hoostaga Magaalada Matabaan ee gobolkaasi.
Duqaynta ayaa daba socoto dagaal xoogan oo Jimcihii ka qarxay deegaankaasi iyo iska horimaadyo goos goos ah, oo maanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray duleedka deegaankaasi.
Shabaabka ayaa shalay weerar ballaaran ku qaaday xero ciidan oo halkaasi ay Ciidanka Xoogga Dalka ku lahaayeen, iyadoona ciidamada ay weerarka ka dib dibadda uga baxeen deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in duqayntan lagu taageerayo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda, oo wada hawlgal ay si buuxda dib ugu qabsanayaan deegaankaasi.
Wararka ay Warbaahintu heleyso ayaa sheegaya in inta badan maleeshiyada Al Shabaab ay dib uga gurteen deegaankaasi, isla-markaana ay aadeen dhinaca deegaanka Teedaan oo xiriiriya Magaalooyinka Matabaan, Beledweyne iyo Maxaas.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda reer Hiiraan ay ku sugan yihiin afaafka hore ee deegaankaasi, isla-markaana ay qorsheynayaan inay dib ula wareegaan.
Deegaankan ayaa waxa uu leeyahay muhiimad weyn oo isugu jirta mid istiraatiijiyadeed, amni iyo dhaqaale, wuxuuna ku yaallaa waddada isku xirta Matabaan iyo Beledweyne.
Cid kasta oo maamusha Hees ayaa waxay awood u yeelan kartaa inay la socoto isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha isugu gooshaya qaybo ka mid ah gobolkaasi.