Wararka ka imanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Macawiisleyda reer Hiiraan ay kubaareeyeen agagaarka hoyga Hoggaamiye Kuxigeenka Hirshabelle, Cabdifitaax Xasan Afrax oo ku yaala nawaaxiga Magaalada Beledweyne, gaar ahaan halka lagu magacaabo Ceel-jaale.
Wararka ayaa sheegaya in Macawiisleydu ay jihooyin kala duwan kaga sugan yihiin gurigaasi, isla-markaana ay ka hortaggayaan in masuulka labaad ee ugu sarreya Hirshabelle uu kulamo siyaasadeed ka bilaabo magaaladaasi.
Cabdifitaax Xasan Afrax oo Jimcihii gaaray Beledweyne ayaa ku baaqay in khilaafka taagan lagu dhameeyo wada hadal, ha yeeshee socdaalka uu ku tegay magaalada uu sii kiciyay xiisadihii siyaasadeed iyo amni ee ka dhashay hannaanka loo maamulay doorashooyinka Hirshabelle.
Imaanshaha Cabdifitaax Xasan Afrax ee Beledweyne ayaa waxay dhinacyada ka soo horjeeda maamulka ay u arkaan cadaadis iyo loolan siyaasadeed, oo lagu fashilinayo qorshaha maamul u gooni ah loogu dhisayo dadka reer Hiiraan.
Xubnaha metelaya shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan ee ku sugan Beledweyne ayaa qaarkood kuu sheegaya in safarka Afrax ay u arkaan loolan hor leh iyo olole cadaadis oo lagu curyaaminayo qorshahooda.
Magaalada ayaa waxaa isugu tagey odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka horyimid dooraashooyinkii dhawaan ka dhacay Hirshabelle, kuwaas oo ballanqaaday inay Beledweyne ka dhisi doonaan maamul ay leeyihiin dadka gobolka, isla-markaana ka madaxbannaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Beledweyne ayaa laga dareemayaa xiisad aad u sarreyso, iyadoona dadka deegaanka ay ka baqdin qabaan dagaal magaalada ku dhex mara Macawiisleyda iyo ilaalada Cabdifitaax Xasan Afrax oo u badan ciidamo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Wariyeyaasha ka hawlgala Beledweyne ayaa soo sheegaya in magaalada ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah iyo cabsi dagaal oo aad u sarreyso.
Lama oga, waxa ay ku dambayn doonto xaaladda ka jirta Beledweyne.