Home Wararka Maanta Abaabul iyo diyaargarow ciidan oo ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe

Abaabul iyo diyaargarow ciidan oo ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in abaabul iyo diyaargarow ciidan uu ka jiro gobolkaasi.

Qorshaha Madaxtooyada Hirshabelle iyo Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ah in maleeshiyada Al Shabaab laga saaro deegaanada ay ka maamulaan dhanka galbeed ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegaya in loo diyaarinayo, sidii ay maleeshiyada uga saari lahaayeen deegaanada istiraatiijiga ah ee Jiliyaale (Jameeca Jiliyaale), Gamboole iyo deegaanada kale ee ay kaga harsan yihiin daanta galbeed ee Webiga Shabelle.

Gobolka ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha oo siyaabooyin kala duwan ula kulmay bulshada ku dhaqan deegaanada Masaajid Cali Gaduud iyo Nuur Dugle ayaa kala hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, barnaamijka xasillinta ee deegaanada la xoreeyay iyo sidii looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed. Deegaanadan ayaa ka mid ah deegaanada gobolka ee wejigii hore ee hawlgalka laga saaray kooxahaasi.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa tibaaxay in gacan ay kula dagaalamayaan Al Shabaab, gacantana kalena ay kaga shaqeynayaan mashaariicda horumarineed ee deegaanada Hirshabelle.

Villa Somali ayaa culeyska ku kordhineysa Shabaabka Gobolada Dhexe, oo yoolku yahay in si buuxdo looga ciribtiro goboladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc