Home Wararka Caalamka Antonio Guterres “Dilka Gaza waa wax aan horey loo arag, waa inaan wax ka qabanaa”

Antonio Guterres “Dilka Gaza waa wax aan horey loo arag, waa inaan wax ka qabanaa”

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay in bisha barakaysan ee Ramadan ay bilato, iyadoo weli uu dhiigga ku qubanayo Marinka Gaza.

“Waxaa bilaabatay oo curatay bisha Ramadan, haddana waxaa socda dhiigga ku daadanaya Marinka Gaza.” Ayuu yiri Xoghayaha oo xalay jeediyay khudbad uu kaga hadlayay xaaladda murugsan ee ka taagan Gaza.

“Dagaalka ayaa bishii 6aad ka sii socda Gaza, tan iyo markii Xamaas ay weerarka ku qaadday Gaza, isla markaana ay Israel bilowday duulaanka ba’an ee ay ku hayso Gaza.” Ayuu yiri Xoghayaha.

Xoghayaha ayaa Israel ugu baaqay inay ixtiraamto fadliga bisha Ramadan, ayna tahay in iyada iyo Xamaasba ay joojiyaan dagaalka, lana sii daayo dadka la haysteyaasha.

“Dilka Gaza waa wax aan horey loo arag. Waa inaan wax ka qabanaa, si aan uga fogaano dhimasho badan oo laga hortagi karo.” Ayuu yiri Antonio Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Waxa kaloo uu yiri “Indhaha adduunku way eegayaan. Indhaha taariikhda ayaa eegaya. Ma eegi karno meel fog. Dadka rayidka ah ee quusta wajahaya waxay u baahan yihiin in tallaabo degdeg ah la qaado.”

Xoghaye Guterres ayaa ku celiyay baaqiisii ahaa in si degdeg ah dagaalka loo joojiyo, lana qaado dhammaan caqabadaha ku gadaaman in gargaarka naf badbaadinta uu gaaro Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc