Home Wararka Maanta Arrinta Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo falcelinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Arrinta Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo falcelinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo baaritaan ku soo sameeya xabsiyada ku yaala Magaalada Muqdisho, tirada maxaabiista ku xiran iyo xaaladda maxaabiista.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la faray inay warbixin ka soo diyaariyaan xaaladda nololeed ee ka jirta xabsiyada, isla-markaana ay la kulmaan hay’adaha ay khuseyso arrinta maxaabiista.

Hay’adaha Dowladda Federaalka ay khuseyso arrinta maxaabiista ayaa lagu wargeliyay in ay la shaqeeyaan guddiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii dood adag ka yeeshay xaaladda maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, ka dib markii Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu dhawaan ka deyriyay xaaladda maxaabiis garsugeyaal ah oo isaga xiran xabsigaasi, muddo ka badan 10 sano.

Xildhibaan Xaawo Sokor Cali, Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka & Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka ayaa sheegtay in dayac badan ay ku soo arkayn xabsiga, ayna tahay in goluhu uu si dhab ah u eego.

“Dadka xabsiga ku xiran, tusaale waxaa ka mid ah dad diyo/mag laga bixiyay oo dad soo dilay, markii diyada laga bixiyay ka dibna ay iska xiran yihiin oo weli aan la sii deynin. Waxaa kaloo ku jira dad lacago yaryar oo laba laba boqol oo dollar iyo wax yar loo haysto oo muddo dheer xabsiga iskaga xiran. Niicle teleefan la dhahayo qof loo haysto oo lacagtana laga bixiyay, markii laga bixiyay ka dibna lix bilood iska xiran.” Ayay tiri Xildhibaan Xaawo Sokor.

Waxa kaloo ay tiri “Qof waxaa jira gaari uu waday qof meel gees ah ka haystay oo shil gaari ku dhintay, lacagtii la rabo in laga bixiyo, eheladii marxuumkana aan dib loo arkin oo iska xiran muddo toban sano ah. Dad badanaa jira oo meesha iskaga dayacan.”

Xubno ka socday Guddiyada Xuquuqul Insaanka, Garsoorka & Caddaaladda iyo Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka oo kormeer wadajir ah ku tegay xabsigaasi ayaa warbixin ay ka soo diyaariyeen ku sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar ay ku xiran yihiin tiro ka badan maxaabiistii loogu talagalay in lagu xiro, isla-markaana ay jiraan maxaabiis si caddalad darro ah ugu xiran xabsiga.

Warbixintooda oo golaha lala wadaagay ayay Xildhibaanadu ku baaqeen in si wadajir ah loogu istaago muwaadiniinta caddaaladda u baahan.

Xabsiga Dhexe ee Xamar waa kan ugu weyn Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc