Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Saraakiisha Ciidamada faray in la dardargeliyo hawlgalada (SAWIRRO)

Axmed Madoobe oo Saraakiisha Ciidamada faray in la dardargeliyo hawlgalada (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Saraakiisha Ciidamada, isagoona kala hadlay dardargelinta hawlgalada ka socda deegaanada Jubbaland ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu Saraakiisha ka dhageystay warbixin la xiriirta hawlgalada socda.

“Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shaqada adag ee ay hayaan ciidamada kala duwan ee hawlgalka ku jira, kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay maalmahii la soo dhaafay kooxaha Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu bogaadiyay guulaha laga gaaray hawlgalada, isla-markaana uu Saraakiishu faray in la joogteeyo dagaalka lagu wiiqayo kooxaha argagixisada.

Qoraalka ayaa lagu soo geba-gabeeyay “Madaxweynaha ayaa shacabka reer Jubbaland ugu baaqay inay garab istaagan ciidamada hawlgalada ku jira, oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Khawaarijta looga hor-wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan.”

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa Axaddii la wareegay Degmada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib in ka badan 15 sano oo maleeshiyada Shabaabka ay ka arriminayeen.

Ciidamada ayaa sidoo kale maalmihii ugu dambeysay hawlgalo ka waday duleedka deegaanka Weel-maarow oo 45km waqooyi bari kaga beegan Degmada Afmadow ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc