Home Dhacdooyin Baaritaanka weerarkii Hotel SYL iyo waxa ku soo kordhay

Baaritaanka weerarkii Hotel SYL iyo waxa ku soo kordhay

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo xubnaha kale ee ka qayb qaadanaya baaritaanka ay dib u daawanayaan wixii ay duubeen kaamirooyinka ku xiran waddooyinka Magaalada Muqdisho, ka dib weerarkii ay maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen Hotel SYL oo kaabiga ku haya Xarunta Madaxtooyada.

Baaritaanka ayaa waxaa iska kaashanaya Hay’adda Nabad Sugidda, Talisyada Booliska & Militariga iyo xubno kale oo ka socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Raysal Wasaaraha.

Ahmiyadda 1aad ee baaritaanka ayaa si dhow loogu dersaya muuqaalada laga helay goobta uu weerarku ka dhacay, waddooyinka ku xeeran iyo dhaqdhaqaaqyadii halkaasi ka jiray ka hor iyo ka dib-ba markii uu weerarku dhacay, si wax uun macluumaad ah looga helo dableydii weerarka gaysatay, haddii ay jirto cid ka tirsan hay’adaha ammaanka oo kala shaqeysay weerarkaasi amaba ka gaabisay shaqadii uu qaranku u igmaday.

Maadaama ay hay’adaha ammaanka ku guuldareysteen inay ka hortaggaan weerarkaasi ayaa waxay hadda ku foogan yihiin ka daba taggiisa, si loo helo tixraac lagu gaari karo maskaxdii ka dambeysay weerarka iyo halkii laga soo abaabulay.

Wararka ayaa sheegaya in Hay’adda Nabad Sugidda ay hoggaamineyso baaritaanka, haddii Xarunta Hay’adda NISA ee Muqdisho ay tahay meesha laga la socdo oo laga kontoroolo kaamirooyinka ku xiran waddooyinka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhammaan saraakiishii iyo askartii ku qorneyd kontoroolada amniga lagu hubiyo ee ku yaala waddooyinka soo gala hotelka, xilligii uu weerarku dhacayay looga yeeray Xarunta Hay’adda NISA. Ma cadda inuu raad soo galay iyo in la doonayo in wax laga weydiiyo weerarkaasi.

Baaritaanka socda ayaa lagu sheegay mid aad u adag, bacdamaa Madaxda Dowladda Federaalka ay gadaal ka riixayaan in jawaabo loo helo su’aalaha ka dhashay weerarkaasi iyo qaabka uu u dhacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa adkeynaya in arrintan ay cid masuuliyaddeeda qaaddo, si loogu ciqaabo, xilkeedana ay ugu weydo, xitaa haddii aan gacanta lagu soo dhigin kuwii Shabaabka ka tirsanaa ee lahaa diyaarinta qorshaha weerarka.

Dhanka kale Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan Caasimadda Muqdisho.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Kusimaha Wasiirka Amniga, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska & Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay warbixino la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Raysal Wasaaraha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Waxa uu hoosta ka xariiqay Raysal Wasaare Xamse, sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed.”

Raysal Wasaaraha ayaa daba joogo baaritaanka ay wadaan laamaha amniga ee la xiriira weerarka hotelka, waana xilli si joogto ah lagu la soo socodsiiyo, halka ay wax marayaan.

Weerarkan ayaa muujiyay in Shabaabku ay carqaladeyn karaan amniga Villa Somalia, waana sababta ay uga gilgisheen Madaxda Qaranka oo muddooyinkan ku howlanaa dardargelinta hawlgalada dib-u-xoreynta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc