Home Wararka Maanta Boolis cusub oo tababar loogu soo xiray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Boolis cusub oo tababar loogu soo xiray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Amniga ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Maxamed Cali Xaga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa maanta tababar u soo xiray ciidan cusub.

Ciidankan oo muddooyinkii ugu dambegsay uu tababar uga socday Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa ku biiraya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ciidamadu ay qayb ka noqon doonaan dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha argagixisada ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

General Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed, oo sida uu sheegay ay ka soo dhex baxeen.

Wasiir Xagaa ayaa Taliska Booliska uga mahadceliyay juhdiga ay geliyeen ciidanka dhallinyarada ah ee ku soo biiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ayaa labaatankii bilood ee ugu dambeysay kordhisay tirada ciidamada la tababarayo, iyadoo gacan ka helaysa dowlado iyo hay’ado caalami ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc