Home Wararka Maanta Booliska Somaliland oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dil ka dhacay Hargeysa

Booliska Somaliland oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dil ka dhacay Hargeysa

by Laacib

Taliska Booliska Somaliland ayaa war ka soo saaray dil xalay fiidkii nin dhallinyaro ahaa loogu gaystay xaafadda Badda Cas ee Magaalada Hargeysa.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska ay saakay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigeen askari ka tirsan ciidamada oo dilkaasi lagu eedeynayo.

Taliska Booliska ayaa warka ku sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabao Dable Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan laga soo qabtay deegaanka Aw Barkhadle, oo dhanka bari kaga toosan Magaalada Hargeysa.

“Dable Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan ina Saynab Maxamed 21 jir oo ku eedeysan inuu xalay abaarro 8:20 habeenimo xaafadda Baddacas ku dilay marxuum Mustafe Ibraahin Aadan ina Koos Aadan 33 jira, Ciidanka Booliska ayaa hawlgal iyo dadaal ay sameeyeen saaka subaxnimadii gacanta ku soo dhigay eedeysanahan, waxaana lagu soo qabtay deegaanka Aw Barkhadle ee bariga Magaalada Hargaysa, isagoo hubkiisa wata, markii Ciidanka Boolisku hareereeyeena is dhiibay, waxaanu hadda ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska, iyadoo si degdeg u horgeyn doono sharciga.” Ayaa lagu yiri warka.

Booliska ayaa sheegaya in sidoo kale ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen nin kale oo lagu magacaabo Maxamed Baashe Muuse, kaas oo lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa xubno gacan siinayay askariga dilka gaystay.

Waxa kaloo ay boolisku sheegeen in lagu raad-joogo eedeysaneyaal kale oo baxsad ku maqan.

“Waxaa Ciidanka Boolisku gacanta ku soo dhigeen Eedeysane Maxamed Baashe Muuse ina Safiya Xasan 25jir oo ka mid ahaa xubnihii la socday oo ku eedeysan inay gacan siiyeen eedeysanahan dilka gaystay, waxaana sidoo kale Ciidanka Boolisku ku raad-joogaan laba eedeysane oo baxsad ku maqan.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Booliska Somaliland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc