Home Wararka Caalamka Brazil & Israel oo ay ka dhex tolan tahay iyo Brazil oo u yeertay Safiirkeedii Israel

Brazil & Israel oo ay ka dhex tolan tahay iyo Brazil oo u yeertay Safiirkeedii Israel

by Laacib

Dowladda Brazil ayaa ugu yeertay Safiirkeedii u joogay Israel in uu dib ugu soo laabto dalkiisa, ka dib markii khilaaf diblomaasiyadeed uu ka soo dhex cusboonaaday labada dhinac.

Israel ayaa cambaareysay hadalka Axaddii ka soo yeeray Madaxweynaha Brazil, ee uu ku sheegayay in Israel ay xasuuq ka waddo Marinka Gaza.

Madaxweyne Lula da Silva ayaa duulaanka Israel ee Gaza la barbardhigay xasuuqii uu Hoggaamiyihii hore ee Jarmalka, Adolf Hitler u gaystay dadka Yahuudda.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa warka Madaxweynaha Brazil ku tilmaamay mid laga xumaado oo aad u xun.

Waxa uu sheegay in is barbardhigga uu sameeyay Lula da Silva uu hoos u dhigayo xaddiga xasuuqii Holocaust ee lagu laayay dadka Yahuudda.

Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegay in Tel Aviv ay Madaxweynaha Brazil u tixgelin doonto sida shakhsi caadi ah, isla-markaana aynaan ku soo dhaweyn doonin Israel.

“Ma iloobi doono, mana cafin doono, waa weerar halis ah oo ka dhan ah dadka Yahuudda. Anigoo Magacayga iyo magaca muwaadiniinta Israel ku hadlaya, waxaan u sheegaya Madaxweyne Lula inuu sida shakhsi ka yahay Israel, illaa iyo inta uu ka laabanayo hadalkiisa.” Ayuu Katz u sheegay Safiirka Brazil, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Brazil, Mauro Vieira ayaa u yeeray Safiirkooda u fadhiya Israel, Danjire Frederico Meyer, iyadoo laga jawaabayo amarka Madaxweynaha, si wadatashi looga geliyo xiisaddan diblomaasiyadeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay u yeeri doonto Safiirka Israel u jooga Brazil, Amb. Daniel Zonshine, kulan ka dhacaya Magaalada Rio de Janeiro.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya inaanay Brazil ka laaban doonin hadalka Madaxweyne Lula da Silva, mowqifkeedana ay la wadaagi doonto Safiirka Israel.

Brazil ayaa bishii January taageertay dacwadda xasuuqa ka dhanka ah Israel ee ay Dowladda Koonfur Afrika u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah.

Koonfur Afrika oo walaac ka muujisay ololaha ballaaran ee Militariga Israel ka wadaan Marinka Gaza ayaa Maxkamadda Qaramada Midoobey ka codsatay in ay Israel ku amarto inay joojiso duulaankeeda Gaza, isla-markaana ay ogolaato in dadka rayidka ah la gaarsiiyo gargaar ku filan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc