Home Wararka Maanta Ciidamada Dowladda oo soo afjaray Shabaabkii weerarka ku galay Hotel SYL

Ciidamada Dowladda oo soo afjaray Shabaabkii weerarka ku galay Hotel SYL

by Laacib

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa soo afjaray kooxihii hubeysnaa ee xalay caweyskii weeraray Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayay 12 saacadood ka dib u suurtagashay in ay soo afjaraan weerarkaasi, ka dib markii ay dileen raggii weerarka soo qaaday.

Hawlgalka lagu soo afjaray dableydaasi ayaa waxaa ka qayb qaatay Ciidanka Nabad Sugidda, Booliska Haramcad, kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group (Gaashaan) iyo Ilaalada Madaxtooyada oo dib kaga biiray hawlgalkaasi.

Ciidamo fara-badan oo halkaasi lagu soo daadiyay ayaa xiray waddooyinka soo gala hotelka, iyadoona ay hakad geliyeen isu socodka gaadiidka.

Masuuliyiinta Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin weerarka, tan iyo xalay ka socday magaalada.

Ma cadda inta uu le’egyahay khasaaraha nafeed ee weerarka uu gaystay, marka laga soo taggo in dad ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Dhibaneyaasha waxaa ka mid ah masuuliyiin dowladeed.

Al Shabaab oo goor sii horreysay sheegatay masuuliyadda weerarka ayaa qoraal ku sheegtay in maleeshiyadeeda ay ka dhex dagaalamayaan hotelkaasi.

Weerarkan oo ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyay ayuu burbur xoog leh ka soo gaaray dhismaha hotelka.

Hotelkan oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo ayaa ku yaala xeendaabka Madaxtooyada Qaranka, waxaana uu saaran yahay mid ka mid ah waddooyinka laga galo Villa Somalia.

Weerarka waxa uu imaanaya, iyadoo laamaha amniga ay si weyn bishan Ramadan ugu diyaargaroobeen sugidda amniga ee Caasimadda Muqdisho, waxaana jira su’aalo ku gadaaman, sida kooxihii weerarka soo qaaday ay ugu suurtagashay inay soo gaaraan goobtaasi, oo amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, ayna ka horreeyan barro kontorool oo amniga lagu hubiyo.

Warbaahinta ayaa fahamsan in halka uu weerarku ka dhacay aysan ka gudbi karin gaadiidka ay la socdaan dadka aan wadan aqoonsiyada Dowladda Federaalka, waana tan xoojineysa weydiimaha ku aaddan, sida gaari miineysan uu ku soo gaaray goobtaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii 4aad ee ay Shabaabku ku qaadaan hotel ku yaala Muqdisho, tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shabaabka ayaa horey sidaan oo kale u weeraray Hoteelada Xayaat, Villa Rays iyo Pearl.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc