Home Wararka Maanta Ciidamada oo ku sii siqaya Cowsweyne iyo Wabxo

Ciidamada oo ku sii siqaya Cowsweyne iyo Wabxo

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ay kaabiga ku hayaan deegaanka Cowsweyne ee gobolkaasi.

Ciidamada oo Talaadadii ka ruqaansaday Degmada Galcad ayuu ujeedkoodu yahay inay gaaraan Degmada Galhareeri, oo muddo dheer ay maleeshiyada Al Shabaab ka arriminayeen.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay difaac weyn ku leeyihiin Cowsweyne, oo qorshahoodu uu yahay in ay ka difaacaan Galhareeri iyo Ceelbuur.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sahanka hore ee ciidamadu ay gaareen tuulooyinka ku dhow dhow deegaanka Cowsweyne.

Ciidamada Kumaandooska Gorgor iyo Danab oo horkacaya hawlgalkaasi ayaa qorsheynaya in ay si taxadar leh ku galaan deegaankaasi.

Ciidamada ayaa la sheegaya inay miinooyin badan ka saareen waddada Galcad iyo Cowsweyne, miinooyin kale oo laga baqdin qabo in ay ku aasan yihiin waddada xiriirisa Galcad iyo Galhareeri ayaa dib-u-dhac ku keeni karta, xilliga la filayo in ciidamadu qabtaan Cowsweyne iyo Galhareeri.

Hawlgalkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah gulufka Shabaabka lagaga saarayo Bariga Gobolka Galgaduud.

Gulufkan ayaa waxaa barbar socda mid kale oo ciidamadu ugu dhaqaaqeen la wareegitaanka Ceelbuur.

Ciidamada oo xalay ku hoyday deegaanka Ceelgorof oo ku dhow Wabxo ayaa la sheegaya in ay ku sii siqayaan Wabxo, oo ah bar kale oo Shabaabku ka difaacayaan Ceelbuur.

Qabashada Wabxo ayaa ciidamada ka caawineysa inay ku sii socdaan qorshahooda ay ku beegsanayaan Ceelbuur, oo Shabaabku ay xilligan ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe.

Ciidan lixaad leh oo lagu diyaariyay Magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayaa inay dhanka bari ka weeraraan Ceelbuur.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc