Home Wararka Maanta Ciidamada oo markaan weerar ku ah Shabaabka Gobolka Mudug (SAWIRRO)

Ciidamada oo markaan weerar ku ah Shabaabka Gobolka Mudug (SAWIRRO)

by Laacib

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shalay galab ka ruqaansaday Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyagoona ku sii jeeda jiidda koonfureed ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa waxaa sii sagootiyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta ee Xukuumadda Federaalka, Xuseen Axmed Culusow, isagoona deeq xoolaha nool ah ku wareejiyay Saraakiisha Ciidamada.

Ciidamada oo ay hoggaaminayaan Saraakiil uu ka mid yahay General Axmed Xasan Maalin ayaa u qalab qaatay deegaanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardheere, muddo dheerna ay Shabaabku gacanta ku hayeen. Jowle ayaana muhiim u ah isu socodka Degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay deegaankaasi uga sii gudbi doonaan dhanka Degmada Wisil, oo ay ku diyaarsan yihiin ciidan xoog leh oo qorshuhu yahay in ay maleeshiyada Shabaabka ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in muddada ay ciidamadu ka gaarayaan Degmada Wisil ay dhanka cirka ka kaabi doonaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga.

Degmada Wisil ayaa halbowle u ah gulufka la doonayo in maleeshiyadaasi looga kiciyo deegaano laga xusi karo Ceel Cabdi, Qaycad (Qeecad), Qodqod, Caad, Cammaara, Dabagalo, Dumaaye, Bacaadweyne iyo Shabellow.

Wisil waxaa dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay lagu diyaarinayay Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka, oo ay qayb ka yihiin Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Xerta Ahlu Sunna ee Wisil oo qaab beeleed u abaabulan ayaa la sheegaya in ay muhiim u yihiin hawlgalka laga sameynayo aagagga koonfureed ee gobolkaasi, waana kuwo si weyn dhulka u kala garanaya.

Hawlgalkan ka bilowday Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa kuwii hore kaga duwan, iyadoo Shabaabka looga sifeynayo rug kasta oo ay kaga sugan yihiin goboladaasi, waana istiraatiijiyad dagaal oo cusub oo la doonayo in Shabaabka lagaga ciribtiro deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, marka dambena ay ciidamadu ku maquuniyaan Shabaabka Gobolada Koonfureed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc