Home Wararka Maanta Ciidamadii lagu weeraray Cowsweyne oo weerar ku ah deegaanka Bargaan

Ciidamadii lagu weeraray Cowsweyne oo weerar ku ah deegaanka Bargaan

by Laacib

Ka dib dagaalkii qaraaraa ee Sabtidii ka dhacay deegaanka Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud, ciidamada ayaa maanta hawlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyay goobaha ku dhow dhow deegaankaasi, iyagoona raacooda hore ay cagta saareen waddada aadda deegaanka Bargaan, oo hoostagga Degmada Galhareeri.

Bargaan waa goobtii ay shalay weerarka qaraxyada ku bilowday ka soo qaadeen maleeshiyada Al Shabaab, markii dambena la sheegay in lagu khasbay inay dib ugu laabtaan deegaankaasi.

Al Shabaab ayaa sheegatay in maleeshiyadeeda ay dagaalka ku dileen 178 askari, isla-markaana ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadu ay difaacdeen gacan ku haynta deegaankaasi, inkastoo ay qireen in Shabaabku ay dhowr saacadood ka dhex dagaalamayeen deegaankaasi.

Dadku waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka ay gacan weyn ka gaysteen in Shabaabka dib looga saaro deegaankaasi, ayna muddo baacsanayeen firxadkoodii.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu hadda ciidamo fara-badan u diray deegaanka Cowsweyne, qorshahooduna uu yahay in ay qabtaan deegaanka Bargaan, oo Shabaabku ka difaacayaan Degmada Galhareeri. Ciidamada waxaa la sheegaya in ay ku dhow yihiin deegaankaasi Cowsweyne, si ay uga daba taggaan ciidanka sahanka ah ee ku baxay Bargaan.

Ciidamadan ayaa la doonaya in ay qabtaan Bargaan, iyagoo la hawlgalaya ciidamo kale oo ka soo socda dhanka Degmada Ceeldheer, kuna sii jeeda deegaanka Shaway oo dhaca Galhareeri, ka dibna ay ciidamadu si wadajira u qabtaan Galhareeri.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saakay ay duqayn xoogan ka dhacday afaafka hore ee deegaanka Bargaan, oo Shabaabku ka difaacayaan Galhareeri.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gulufka lagu xoreynayo Galhareeri uu xigi doono midka ay tahay in ciidamadu kula wareegaan deegaanka Jacar, oo dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Ceelbuur.

Galhareeri waa degmada qura ee ay Shabaabku ka maamulaan deegaanada Galmudug iyo guud ahaanba bartamaha dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Jimcihii sheegay in Galhareeri ay maalmaha soo socdo soo geli doonto gacanta qaranka.

Cowsweyne oo deegaan istiraatiiji ah ayaa xiriiriya Galhareeri, Ceeldheer iyo Ceelbuur, waana goob muhiim u ahayd joogitaankii Al Shabaab ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Dagaalka culus ay Shabaabku ku qaadeen Cowsweyne ayaa loo arkay, mid ay ku doonayeen in ay ku kala qubqubaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee la abaabulay ee ku daadsan min Galcad illaa Cowsweyne. Ciidamada ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay dhulkaasi ka waday hawlgalo sifeyn ah.

Shabaabka ayaa la fahamsan yahay in ay dareemayaan baaxada culeyska weyn ee ka soo fuulay dhanka ciidamada hawlgalada ka wada bartamaha dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc