Home Wararka Maanta Dabley weerartay Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho

Dabley weerartay Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay caawa weerareen Hotel SYL, oo ka mid ah hoteelada ugu muhiimsan ee ku yaala magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday qarax xoogan, ka dibna ay kooxahaasi gudaha u galeen hotelkan, oo ku yaala agagaarka Xarunta Madaxtooyada Qaranka amaba mid ka mid ah waddooyinka laga galo Aqalka Villa Somalia.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in gaari ku rarnaa walxaha qarxa lagu dhuftay bannaanka hore ee hotelka, ka hor inta aysan gudaha u gelin kooxihii hubeysnaa, kuwaa oo haatan la soo sheegayo in toogasho ay ka wadaan hotelkaasi.

Dadka degan nawaaxiga goobta uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in daqiiqado ka dib ay maqleen qarax labaad oo aad u xoogan.

Ciidamada Dowladda Federaalka qaybahooda kala duwan oo halkaasi gaaray ayaa xiray waddooyinka soo gala, iyagoona wada dadaalo ay ku doonayaan in ay ku soo samatabixiyaan dadkii halkaasi ku sugnaa.

Hotelkan ayaa waxaa xilliyada habeenkii fariista oo ku caweeya masuuliyiin ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo weliba dad qurbajoog ah, waana mid ka mid ah hoteelada ay sida weyn ugu caweeyaan siyaasiyiinta.

Dad rayid ah oo weerarkaasi ku dhaawacmay ayaa la arkayay, iyadoo bilowgiiba ay u gurmanayaan dad is xilqaamay.

Ciidamada ayaa la sheegaya in ay ku guuleystaan in ay hotelkaasi ka soo daadgureeyaan qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa, xilligii uu weerarku dhacayay.

Ma jirto cid weli sheegashada masuuliyadda weerarka, waxaase si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab.

Weerarka waxa uu imaanaya, iyadoo laamaha amniga ay si weyn bishan Ramadan ugu diyaargaroobeen sugidda amniga ee Caasimadda Muqdisho, waxaana jira su’aalo ku gadaaman, sida kooxihii weerarka soo qaaday ay ugu suurtagashay inay soo gaaraan goobtaasi, oo amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, ayna ka horreeyan barro kontorool oo amniga lagu hubiyo.

Warbaahinta ayaa fahamsan in halka uu weerarku ka dhacay aysan ka gudbi karin gaadiidka ay la socdaan dadka aan wadan aqoonsiyada Dowladda Federaalka, waana tan xoojineysa, sida gaari miineysan uu ku soo gaaray goobtaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc