Home Wararka Maanta Dadkii ku dhaawacmay weerarkii SYL Hotel oo la dhigay Isbitaalka Erdogan (SAWIRRO)

Dadkii ku dhaawacmay weerarkii SYL Hotel oo la dhigay Isbitaalka Erdogan (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ee Magaalada Muqdisho ku booqday muwaadiniintii ku dhaawacantay weerarkii ay xalay maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen Hotel SYL.

Wasiirka ayaa dhakhaatiirka ka dhageystay warbixin ku aaddan xaaladda dhaawacyada la soo gaarsiiyay isbitaalkooda.

Wasiirka ayaa mid mid u dul istaagay bukaanada, isagoona ka wareystay xaaladdooda caafimaadeed, kuwoodii markaasi uu caafimaadkooda ka soo reynayay.

Wasiirka ayaa ballanqaaday in wasaaraddiisu ay si dhow ula socon doonto baxnaaninta bukaanada, isagoona Alle uga baryay in caafimaad degdeg ah uu siiyo.

“Ugu dambayn Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caaafimaadka Somaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay u taagan tahay baxnaaninta iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibanaha u ah kooxaha manaxayaasha ah ee Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaraddu ma faah faahin khasaaraha nafeed ee uu gaystay weerarka ka dhacay Hotel SYL, iyadoo hay’adaha ammaankuna aysan weli ka hadlin.

Weerarkan ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin, tirada ku dhimatay iyo inta kale ee ku dhaawacantay.

Ciidamada Dowladda ayaa wada hawlgal ay ku soo afjarayaan raggii weerarka soo qaaday oo ka dhex dagaalamaya hotelkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc