Home Wararka Maanta Darawal mooto bajaaj oo lagu dilay Muqdisho iyo ninkii dilay oo la qabtay

Darawal mooto bajaaj oo lagu dilay Muqdisho iyo ninkii dilay oo la qabtay

by Laacib

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa galabta darawal mooto bajaaj ku dilay Magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Carafaad ee Degmada Yaaqshiid, iyadoona dilka ka dib uu askarigaasi isaga tegay goobta.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in askarigu uu rasaas huwiyay darawalka, ka dib markii uu diiday in uu si lacag la’aan ah ku qaado.

Ciidamada amniga oo goobta ku baxay ayaa goor dambe ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan askarigaasi.

Saraakiisha ayaa askariga dilka lagu eedeeyay ku soo bandhigay Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid.

Muqdisho ayaa la tilmaamaa in ay ku badan yihiin dilalka ay askarta u gaystaan wadayaasha mooto bajaajta.

Bajaajtu waa gaadiidka ugu badan ee ay adeegsadaan bulshada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho, waana mid ka mid ah ilaha dhaqaale ay ku tiirsan yihiin dhallinta ku nool magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc