Home Wararka Caalamka Dhacdooyinka xasuuqa ee Israel ka gaysatay Marinka Gaza oo la shaaciyay

Dhacdooyinka xasuuqa ee Israel ka gaysatay Marinka Gaza oo la shaaciyay

by Laacib

Saraakiisha Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in 1,825 dhacdo oo xasuuq ah ay ka gaysteen Marinka Gaza, isla-markaana ay ku laayeen 22 kun oo qof oo dad rayid ah.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen 156 qof, 246 kalena ay dhaawaceen.

Wasaaradda ayaa warisay in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay duulaanka Israel ee Gaza ay gaartay 21,978 qof, halka ay ku dhaawacmeen 56,697 qof

Wasaaradda ayaa sheegeysa in 9,100 qof oo dadka la dilay ah ay yihiin carruur, tirada waxyeelada rayidkana ay aad u kordheyso.

Wasaaradda ayaa bayaan ku sheegtay in sidoo kale ay jiraan 7,000 qof oo lagu la’yahay duqaymaha joogtada ah ee Israel ka waddo dhulka go’doonsan. Dadkan ayaa la tuhunsan yahay in ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.

Dhawaan, hay’adaha caalamiga ah ayaa Ciidamada Israel ku dhalleeceeyay in ay Gaza ka gaysanayaan dhacdooyin argagax leh.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Turkiga ayaa sheegtay in Axaddii ay 292 qof oo laga soo daadgureeyay Marinka Gaza la keenay dalka Turkiga.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dadkan oo isugu jira kuwo ku dhaawacmay colaadda Gaza iyo bukaano ay dhakhaatiirtu xaaladdooda kula tacaaleyso dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc