Geyiga Soomaalida iyo guud ahaanba caalamka ayaa maanta laga wada ciidaya, ka dib markii Muslimiinta ay dhameysteen gudashada waajibaadka bisha barakaysan ee Ramadan.
Salaadda Ciidda ayaa saaka laga wada tukaday magaalooyinka waaweyn iyo gebi ahaanba deegaanada Soomaalida.
Dadweynaha ayaa Salaadda Ciidda ku oogay masaajida iyo fagaareyaasha kale ee loo asteeyay in Salaadda lagu ooggo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.
Dhanka kale dunida Muslimka iyo wadamada kale ee ay Muslimiinta ku nool yihiin ayaa maanta laga ciidaya maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga.
Ciidul Fidriga waa ciidda 1aad ee Islaamka uu leeyahay, waxayna geba-gabo u tahay amaba ay ummadda Muslimiinta ku jebiyaan maalmihii ay soomanaayeen ee bisha Ramadan.
Labada ciidood ee Islaamka uu leeyahay ayaa xuskooda iyo dabaaldegooda si weyn looga dareemaa caalamka, gaar ahaan dunida Muslimka, iyadoona Muslimiintu ay muujiyaan farxadda maalmaha ciidahaasi.