Home Wararka Caalamka Dowlad xiriirka u jartay Israel iyo dalal kale oo u yeertay Safiiradooda

Dowlad xiriirka u jartay Israel iyo dalal kale oo u yeertay Safiiradooda

by Laacib

Dowladda Bolivia ayaa si rasmi ah xiriirka ugu jartay Israel, sababo ku aaddan xasuuqa ay ka gaysaneyso Marinka Gaza, iyadoo dalal kale oo dhaca Latin America ay u yeerteen Safiiradooda u jooga Israel.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Bolivia, Freddy Mamani ayaa sheegay in dowladdiisu ay gebi ahaanba ka soo horjeeddo gardarada Israel.

“Dowladda Bolivia waxay go’aansatay in ay jarto xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Israel, waxaana cambaareynaynaa weerarada ka socdo Gaza.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee dalkaasi, haweeneyda lagu magacaabo Maria Nela Prada ayaa sheegtay in Bolivia ay gargaar bani’aadantinimo u direyso Gaza.

“Waxaan dalbanaynaa in la joojiyo duulaanka Israel ee Gaza, oo lagu dilay kumanaan qof oo rayid ah, waxaana ka soo horjeednaa barakacinta khasabka ah ee lagu hayo dadka Falastiiniyiinta.” Ayay tiri Maria Nela.

Israel oo ka xumaatay go’aanka Bolivia ayaa dhanka kale ku eedeysay in ay ku shaqeynayso awaamiirta Iran.

Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa soo dhaweeyay go’aanka Dowladda Bolivia. Saraakiisha Xamaas ayaa Dowladaha Carbeed ee caadiyeeyay xiriirka Israel ugu baaqay in ay qaadaan tallaabada Bolivia oo kale.

Dalalka Chile iyo Colombia ayaa sidoo kale u yeertay Safiiradooda u jooga Tel Aviv, si ay wadatashi uga sameeyaan gumaadka Israel ka waddo Gaza. Dowladahan ayaana ku baaqay xabad joojin degdeg ah.

Bolivia ayaa noqonaysa dalkii ugu horreyay ee dhaca Latin America oo xiriirka diblomaasiyadeed u jara Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc