Home Wararka Maanta Dowladda oo dalka dib ugu soo celineysa ciiidamada ku maqan dalka Eritrea

Dowladda oo dalka dib ugu soo celineysa ciiidamada ku maqan dalka Eritrea

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe ay dalka dib ugu soo celineyso ciidamada muddada dheer tababarka ugu maqan dalka Eritrea.

Ciidamadan oo illaa shan kun oo askari gaarayay ayaa la fahamsan yahay in saddex kun oo ka mid ah dalka dib loogu soo celiyay bishii December.

Qorshaha socda ayaa ah, sidii dalka dib loogu soo celin lahaa ciidamada dalkaasi ku harsan, oo tiradooda lagu sheego inta u dhaxeyso kun iyo sideed boqol oo askari illaa laba kun oo askari, oo isugu jira noocyada kala duwan ee ciidamada, sida nabadsugid iyo kuwa badda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay Talaadadii gaareen dalkaasi, isla-markaan ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada ku booqdeen xeryaha ay dalkaasi ka degan yihiin.

Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in Saraakiishu ay ciidamadaasi u sheegeen in toddobaadyada hore ee bisha September ay dib ugu laaban doonaan dalkooda, muddada ka horreysana la diyaarinayo safarkooda ambabaxa.

Ciidamadan ayaa dhammaadkii sanadkii 2019 iyo bilowgii sanadkii xigay ee 2020 tababar loogu qaaday dalkaasi, waana ciidamadii ugu waqtiga dheeraa ee tababar ugu maqnaada dal shisheeye, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, muddo haatan laga joogo saddex iyo laaban sano.

Tallaabada xilligan dalka dib loogu soo celinayo ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli qaybo ka mida dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc