Home Wararka Caalamka Gargaar bani’aadantinimo oo markii labaad la gaarsiiyay Gaza

Gargaar bani’aadantinimo oo markii labaad la gaarsiiyay Gaza

by Laacib

Kolonyadii labaad oo sida gargaar bani’aadanimo ayaa galay Marinka Gaza, ka dib markii ay ka soo gudbeen isgoyska Rafah oo ku yaala xadka kala qaybiya Masar iyo Gaza.

Illaa 17 baabuur oo gargaarka ay ku rarnaayeen ayaa gelinkii dambe ee Axaddii gaaray Gaza, maalin ka dib markii kolonyadii ugu horreysay oo 20 gaari ka koobnaa ay Gaza geeyeen gargaar isugu jira cunto, biyo iyo dawo.

Gargaarkan oo lagu daabulayo bakhaarada ay Hay’adaha Qaramada Midoobey ku leeyihiin Gaza ayaa wuxuu qorshuhu yahay in Saraakiisha Qaramada Midoobey ee halkaasi ka hawlgala ay u qaybiyaan dadka sida aadka ah ugu baahan gargaarkaasi.

Wariyeyaasha ku sugan jiidda koonfureed ee xerada Khan Yunis ayaa soo sheegaya in gaadiidkii ugu dambeeyay ee soo gaaray Gaza ay sideen gargaar u badan dawo. Baahiyaha ugu badan ee xilligan ka jira goobaha caafimaadka ee Gaza waa dawooyinka oo gabaabsi ka ah iyo shidaalka.

Gargaarka illaa iyo hadda ka gudbay xuduudda ayaa waxaan qayb ka ahayn shidaalka, xilli Saraakiisha Caafimaadka Gaza ay ka walaacsan yihiin korontada ay Israel jartay iyo shidaalka ay Tel Aviv diidan tahay in halkaasi la geeyo.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa Axaddii sheegtay in isbitaalada Gaza ay qarka u saaran yihiin in ay u xirmaan shidaal la’aan, iyadoo isbitaalada qaar sida Isbitaalka Al-Qudus uu adeeggii uu bixinayay u istaagay korontada go’an iyo shidaal la’aan soo food-saartay.

Thomas White oo ka tirsan Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ku sugan Gaza ayaa xaqiijiyay in illaa iyo hadda aan wax shidaal ahi la keenin magaalada.

Sarkaalkan ayaa sheegay in shidaalku uu haatan muhiim u yahay, si aynu u sii wadno buu yiri howlaha gargaarka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa walaac ka muujiyay xadidaadda lagu hayo gargaarka la gaynayo Gaza, isagoona dhinacyada ugu baaqay in ay si macno leh baabuurta gargaarka ugu ogolaadaan inay gurmadka bani’aadantinimo u gaarsiiyaan Gaza, maadaama sida uu yiri ay aad u badan tahay baahida dadka reer Gaza.

Kaalmada bani’aadantinimo ee markii labaad la gaarsiiyay Gaza ayaa imaanaysa, iyadoo Israel ay sii waddo duqaymaheeda aan kala joogsi lahayn ee ka dhanka ah Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc