Home Wararka Maanta General Xasan Baydhabo oo kormeeray Guutada 6aad ee degan Baraawe (SAWIRRO)

General Xasan Baydhabo oo kormeeray Guutada 6aad ee degan Baraawe (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa maanta kormeeray Ciidamada Militariga ee degan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha ayaa warbixin la xiriirta xaaladda ciidamada ka dhageystay Saraakiisha Ururka 25aad, Guutada 6aad ee halkaasi degan.

Taliyaha ayaa waano iyo dardaaran ugu tegay ciidamada, ka dib shaqaaqadii bishii June ka dhacday magaaladaasi, ee u dhaxeysay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

“Qaabka aan rabo waxaa waaye in sharciga lagu dhaqmo oo dadkuna is walaalsado, gacantana la is qabsado, dalkana saas lagu joogo.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Baraawe qof laga leeyahay iyo deegaankan ma jiro, deegaanka idiinkaa leh, waa kan aad u soo halganteen, qabiil kama aydaan kicinee waxaad ka kiciseen Al Shabaab, meeshii tabarta idiinkaga dhammaatayna difaacaa ka gasheen.”

Waxa kaloo uu yiri “Cid hadda gaar ah oo lagu dhegan yahay ma maqal, mana qabo, laakiin tarjumaad xumaa jirto waana idin sheegaa. Dadkaas waxay noo la mid yihiin Al Shabaab, waa cadow kale waaye, war xumo tashiil baa la yiraa.”

General Xasan Baydhabo ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay u diyaargaroobaan hawlgal maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay kaga harsan yihiin saddexda gobol ee Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc