Home Wararka Caalamka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo shir degdeg ka leh colaadda Marinka Gaza

Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo shir degdeg ka leh colaadda Marinka Gaza

by Laacib

Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in saacadaha dambe ee Talaadadan ay shir degdeg ah ka yeeshaan xaaladda cakiran ee ka taagan Marinka Gaza.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa u muuqdo mid dalban doono xabad joojin degdeg ah oo bani’aadantinimo oo laga sameeyo dhulka go’doonsan.

Mareykanka ayaa Jimcihii diidmada qaxayan ku hor istaagay qaraar ay Qaramada Midoobey ku dalbaneysay xabad joojin bani’aadantinimo, oo ay taageereen 13 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ma jiro dal awood diidmo qayaxan ku leh golaha loo dhan yahay ee 193-ka xubnood ka kooban, kaas oo lagu wado in loo codeeyo qaraar qabyo ah oo ka tarjumaya luqad mid ah.

Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey maaha mid la isku helayn karo, balse waxay xambaarsan yihiin miisaan siyaasadeed, waxayna ka tarjumayaan aragtida caalamka ee dagaalka Gaza, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Gaza ay sheegtay in dhimashada dadka rayidka ah ay gaartay 18,412 qof.

Codbixinta golaha ayaa imaanaysa maalin ka dib, markii 12 ergay oo ka socday Golaha Ammaanka ay booqdeen dhanka Masar ee xuduudka Rafah, oo ah meesha keliya ee gargaarka bani’aadantinimo iyo shiidaalka la gaarsiiyo Gaza laga soo geliyo. Mareykanka ayaana u dirin wakiil safarka.

Agaasimaha Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobey, Richard Gowan ayaa sheegay in Mareykanku uu ka go’doonsan yahay aragtida guud ee Qaramada Midoobey.

Mareykanka iyo Israel ayaa ka soo horjeeda in si buuxdo loo soo afjaro colaadda Gaza, sababo ku aaddan iyaga oo u arka in taasi ay Xamaas uun dan ugu jirto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc