Home Wararka Caalamka Hoggaamiyaha Iran oo beeniyay eedeynta uga timid Israel

Hoggaamiyaha Iran oo beeniyay eedeynta uga timid Israel

by Laacib

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa beeniyay eedeynta uga timid Israel ee sheegeysa in Iran ku lug leedahay amaba ay ka dambeysay weerarka Xoogaga Xamaas ay Sabtidii ka gaysteen dhulka la haysto.

Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay weerarkan oo sida uu sheegay ay Israel kala kulantay guul darro weyn, oo aanay ka soo kabsan karin, soona gaartay sirdoonkeeda iyo weliba militarigeeda.

“Taageereyaasha Maamulka Israel iyo qaar ka mid ah dadka ku jira nidaamkaasi ayaa hadalo been abuur ah shaacinayay maalmihii la soo dhaafay, welina way sii wadaan, iyagoo leh Iran ayaa ka dambeysa weerarkan. Dabcan way ku khaldan yihiin, annagu se waan difaacaynaa Falastiin, waana difaacaynaa halganka.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha ugu sarreya Iran.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ay dhunkanayaan gacmaha kuwii qorsheeyay weerarka ballaaran ee la yaabka ku noqday Israeliyiinta.

“Waxaan dhunkanaynaa gacmaha dhallinyarada Falastiin ee qorsheeyay weerarka lagu qaaday Maamulka Sahyuuniyadda.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha oo khudbad u jeediyay si toos ah maanta looga daawanayay telefishinka dalkaasi.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Weerarka waxa kaloo lagu burburiyay dhismayaal muhiim u ahaa Israel, kuwaa oo aan si sahal ah dib loogu hagaajin doonin, waxaana masiibadan ka masuul ah Maamulka Sahyuuniyadda.”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay inaanan wax caddeymo ahi loo haynin in Iran ka dambeysay weerarkaasi.

Washington ayaa Tehran uga digtay in ay ka faa’iideysato xiisaddan, si aanay u sii ballaaran colaadda gobolka.

Israel ayaa muddo dheer Iran ku eedeynaysay in ay sii hurineyso colaadda Bariga Dhexe, isla-markaana ay hub siiso garabyada hubeysan ee Falastiiniyiinta.

Iran oo aan aqoonsanayn Israel ayaa isku difaacdo inay taageero niyadeed iyo mid dhaqaaleba siiso Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Iran waa dalka keliya ee Islaamka ee taageera Falastiiniyiinta oo u dagaalamaya xuquuqdooda aasaasiga ah, ee ah sidii ay u noqon lahaayeen dal madaxbannaan oo xor ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc