Home Wararka Caalamka Hussein Al-Azzi “Waxaan quusin doonnaa maraakiib badan oo British ah”

Hussein Al-Azzi “Waxaan quusin doonnaa maraakiib badan oo British ah”

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay in ay quusin doonaan maraakiibta kale ee Ingiriiska, ka dib markii habeenkii Jimcaha uu quusay markabka Rubymar.

Markabkan ayaa la sheegaya in markii la weeraray uu siday shixnad gaareysa 41,000 oo tan oo isugu jirta bacrimin iyo saliid.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in uu kiiday markabka laga leeyahay dalka Ingiriiska, ka dib marki Xuuthiyiinta ay la heleen gantaalada lidka maraakiibta.

Hussein Al-Azzi, Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray in xoogagooda ay quusin doonaan maraakiib badan oo British ah.

“Yemen waxay sii wadi doontaa inay quusiso maraakiib badan oo British ah.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.

Wasiir Kuxigeenka ayaa qoraal ku sheegay “Wixii saamayn ah ama waxyeelo kale waxaa lagu dari doonnaa biilka Britain.”

Hussein Al-Azzi ayaa UK ku tilmaamay dowlad bilaa damiir ah oo Mareykanka kala shaqeysa weerarada Yemen, isla-markaana ay qaadayaan masuuliyadda dembiyada socda ee ka dhanka ah dadka reer Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa horey ugu hanjabay in ay bartilmaameed yihiin maraakiibta laga leeyahay Ingiriiska, sababo ku aaddan ciidamadooda Mareykanka kala qayb qaadanaya duqaymaha ay ka gaysanayaan dalka Yemen.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaa 12-kii bishii January dalkaasi ka bilaabay bartilmaameedyo ka dhan ah dhulka ay Xuuthiyiinta maamulaan, si ay u joojiyaan weeraradii gaarka ahaa ee ay xilligaasi ku hayeen maraakiibta u socota Israel iyo kuwa kale ee ay Israeliyiintu leeyihiin.

Hawlgalada militari ee isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ayaa uga sii daray xiisadda marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoona ku guuldareystay in ay soo afjaraan go’doominta ay Xuuthiyiintu geliyeen Dekedaha Israel.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa marar badan sheegay in weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel ay joojin doonaan, kolka ay Israel soo afjarto duulaankeeda Gaza, ayna ogolaato in gargaarka uu si xor ah u galo dhulkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc