Home Wararka Caalamka Islamic Jihaad oo soo bandhigtay laba nin oo ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta

Islamic Jihaad oo soo bandhigtay laba nin oo ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta

by Laacib

Ururka Islamic Jihaad ee Falastiiniyiinta ayaa xalay baahiyay muuqaal ay ka soo muuqdeen laba nin oo Israeliyiin ah, kana mid ah la haysteyaasha lagu haysto Marinka Gaza.

Labadan nin ayaa laga soo afduubay koonfurta Israel, intii uu socday weerarkii Xoogaga Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Gadi Mozes iyo Elad Katzir ayaa Maamulka Israel ugu baaqay in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan, sidii loo sii deyn lahaa.

Raggan ayaa ka digay inay dhiman karaan, haddii aanay Israel joojin duqaymaha baahsan ee ay ka waddo Marinka Gaza.

Muuqaalkan ayay Warbaahinta Israel ku sheegtay calaamaddii ugu horreysay ee muujineysa in raggaasi ay nool yihiin.

Wiil uu dhalay Gadi Mozes oo saaka hadlay ayaa sheegay in qoyskiisu uu ku faraxsan yahay nolosha aabihiis.

Yair Mozes ayaa sheegay inuu rajeynayo in dhawaan ay dhinacyadu gaaraan heshiis maxaabiis is dhaafsi ah, si aabihii isagoo badqaba uu dib ugu soo laabto hoygiisa.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo fiidnimadii xalay la kulmay qaar ka mid ah qoysaska la haysteyaasha ayaa sheegay in maamulku uu ka shaqeynayo, sidii dadkaasi loogu soo celin lahaa dalkooda, sida uu yiri.

Madaxa Siyaasadda ee Xamaas, Ismail Haniyeh ayaa lagu wadaa in maanta uu u safro dalka Masar, iyadoo la rajeynayo in la gaaro heshiis xabad joojin iyo maxaabiis is weydaarsi ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc