Home Wararka Caalamka Israel oo sheegtay in askartii ugu badneyd looga dilay goob qura

Israel oo sheegtay in askartii ugu badneyd looga dilay goob qura

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa shaaciyay in 10 askari oo kale looga dilay dagaalka culus ee ay ciidamadooda kula jiraan xoogaga wax iska caabinta ee ka dagaalamaya Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa war uu Arbacadii soo saaray ku sheegay in askarta lagu dilay Gaza ay ku jiraan laba taliye iyo dhowr sarkaal.

“Toban askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Israel, oo ay ku jiraan laba taliye iyo dhowr sarkaal ayaa lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay Gaza.” Ayaa lagu yiri warka Taliska Militariga Israel.

Warka ayaa lagu sheegay in 9 ka mid ah askarta lagu dilay dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay bartamaha deegaanka Shejaiya. Warka ayaana lagu sheegay in tani ay tahay dhimashadii ugu badneyd ee ay mar qura la kulmaan ciidamadooda, muddada ay ka dagaalamayaan labada daamood ee Gaza.

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in Korneyl Itzhak Ben Basat oo lagu dilay Shejaiya uu yahay sarkaalkii ugu sarreyay ee Israel lagaga dilo dagaalkan.

Taliska ayaa sheegaya in tirada askarta looga dilay Marinka Gaza ay hadda gaartay 115 askari, tan iyo markii 27-kii bishii October ay hawlgal dhinaca dhulka ah ka bilaabeen Gaza.

Xoogaga wax iska caabinta oo ay ugu tun weyn tahay Xamaas ayaa la sheegay inay Ciidamada Israel ka hortaagan yihiin in ay si buuxdo isugu fidiyaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza.

Israel ayaa qirsan in dagaalkan uu noqonayo kiisii ugu qaraaraa ee ciidamadeeda ka galaan Bariga Dhexe, tan iyo aasaaskeedii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc