Home Wararka Caalamka Kaniisad ku taala dalka Australia oo la weeraray iyo carro ka dhalatay

Kaniisad ku taala dalka Australia oo la weeraray iyo carro ka dhalatay

by Laacib

Dowladda Australia ayaa si kulul u cambaareysay weerarka uu wiil da’yar ahaa ka gaystay Kaniisadda Assyrian Christ The Good Shepherd ee Magaalada Sydney.

Eedeysanaha oo da’diisa lagu sheegay 16 jir ayaa xalay toorey ku weeraray kaniisaddan oo ku taala xaafadda Wakeley ee magaaladaasi.

Wiilkan ayaa la sheegay inuu tooriyeeyay afar qof oo uu ka mid ahaa baadari lagu magacaabo Mar Mari Emmanuel, kaas oo xilligaasi kaniisadda ka jeedinayay khudbad si toos ah looga daawanayay internet-ka.

Emmanuel ayaa ahaa madaxa kaniisadda, tan iyo sanadkii 2011, waana baadari caan ka ah dalkaasi, kaasoo marar badan jeediyay hadalo muran dhaliyay. Khudbadihiisa ayaa doodo ka dhaliyay barraha bulshada.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen ninkii dhallinyarada ee weerarka gaystay, isagoo dhaawac qaba.

Taliyaha Qaybta Booliska ee NSW (New South Wales), Karen Webb oo maanta shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Sydney ayaa weerarka ku tilmaamtay fal argagixiso.

Karen Webb ayaa sheegtay in eedeysanaha uu keligii gaystay weerarka, isla-markaana uu horey u soo qorsheeyay weerarkaasi.

“Inkastoo weli ay baaritaanadu socdaan, haddana tani waa kiis diimeed. Dembiyada argagixisada waa kuwo ku saleysan xagga fekerka.” Ayay tiri Karen Webb.

Weerarka ayaa dalkaasi ka dhaliyay carro xoog leh, iyadoo dadkuna ay si weyn u hadalhayaan weerarkaasi. Kaniisaddan ayaa ahayd mid ay leeyihiin Masiixiyiinta mad-habta Orthodox-ka.

Raysal Wasaaraha Australia, Anthony Albanese ayaa shir degdeg ah isugu yeeray laamaha amniga, waxaana uu weerarku ku qeexay mid qas weyn leh.

Raysal Wasaaraha oo isku dayayay inuu xaaladda qaboojiyo ayaa yiri “Waxaan nahay ummad nabadda jecel, ma jirto meel ka mid dalkeenna oo ay ka dhacaan xagjirnimada rabshadaha wata.”

Raysal Wasaare Albanese oo Warbaahinta ka soo muuqday ayaa shacabka ku booriyay “Dadku waa inaysan sharciga ku qaadan gacmahooda.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc