Home Wararka Caalamka Ku dhawaad 30 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNRWA oo lagu dilay Gaza

Ku dhawaad 30 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNRWA oo lagu dilay Gaza

by Laacib

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan gargaarka iyo arrimaha qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ayaa sheegtay in la dilay 29 ka mid ah shaqaalaheeda, tan iyo markii ay rabshaduhu dib uga soo dhex cusboonaadeen Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel.

“Waxaa hadda la xaqiijiyay in sagaal iyo labaatan ka mid ah shaqaalaheenna ku sugan Gaza la dilay, tan iyo 7-dii October.” Ayay ku warantay Hay’adda UNRWA.

Hay’addan ayaa gacanta ku haysa qiyaastii 5.7 milyan oo qaxooti Falastiiniyiin oo ku kala sugan qaar ka mid ah dalalka gobolka, iyadoona siisa adeeg isugu jira gargaar bani’aadantinimo, waxbarasho iyo daryeel guud.

Hay’adda ayaa dilka shaqaalaheeda loo gaystay ku tilmaamtay naxdin iyo murugo.

“Kala bar shaqaalaheennu waxay ahaayeen macalimiin.” Ayay hay’addu ku sheegtay barteeda X oo horey loo oran jiray Twitter.

“Ka hay’ad ahaan waanu ka naxnay, waana la murugoonaynaa midba midka kale iyo qoysaskaba.” Ayaa lagu sheegay warka hay’adda.

Kumanaan ka mid ah dadka reer Gaza ayaa gabaad ka dhigtay xarumaha iyo xafiisyada ay hay’addu ku leedahay Marinka Gaza, ka dib markii Israel ay bilowday weerarada ay kaga aargudaneyso Xamaas, ka dib weerarkii ay Xoogaga Xamaas 7-dii bishan ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Ciidanka Cirka Israel ayaa si aan kala sooc lahayn duqaymaha uga gaysanaya Magaalada Gaza, taas oo sababtay geerida kumanaan qof oo rayid ah iyo dhaawaca tiro ku dhow shan iyo toban kun oo kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc