Home Wararka Maanta Kulankii Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday

Kulankii Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday

by Laacib

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in natiijo la’aan uu ku soo dhammaaday kulan uu Magaalada Nairobi kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in kulanka ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka, ujeedadiisuna ay ahayd, sii xal looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo aniga, odayaashu waxay noo daayeen wada hadalka iyo xalinta arrimaha jira inaan isla meel dhigno, sida uu Madaxweynuhu codsaday, aniguna kulankaas waxaan ku tagay niyad wanaag iyo in xal laga gaaro arrimaha lagu kala aragtida duwan yahay, kuwaas oo kala ah saddexda arrimood ee hoos ku xusan.

1. Arrimaha Dastuurka

2. Arrimaha Siyaasadda iyo Mustaqbalka Dalka

3. Khilaafka Dowladda Federaalka Somaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland.” Ayuu Shariif Sheekh Axmed ku sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray.”

Waxa uu bidhaamiyay in isaga iyo Madaxweynaha ay xal ka gaari waayeen waxyaabihii ay ka wada hadlayeen.

“Dood dheer ka dib, xal waan ka gaari weynay dhammaan qodobadii aan ka doodnay. Waxaan rumeysanahay mabda’a ah in khilaafka siyaasadda lagu xaliyo wada hadal iyo is qancin, marxaladda adag ee uu maanta dalku maraayana ay tahay lagama maarmaan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariifka ayaa u mahadceliyay waxgarad iyo ganacsato uu sheegay inay dadaal iyo dhaqaalaba ku bixiyeen, sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Arrinta wax ka bedelka Dastuurka KMG ayaa waxaa si weyn uga horyimid siyaasiyiin ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan ku celceliyay in wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka aanu dib uga laaban doonin, ayna qayb ka tahay waxyaabihii uu ballanqaaday, markii uu dib ugu tartamayay xafiiska.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc