Home Wararka Caalamka La hayste Netanyahu ka codsaday in hoygiisa lagu soo celiyo oo meydkiisa la helay

La hayste Netanyahu ka codsaday in hoygiisa lagu soo celiyo oo meydkiisa la helay

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa ku dhawaaqay in ay heleen meydka mid ka mid ah Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza ee lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii.

Taliska ayaa Sabtidii xalay sheegay in Ciidanka Kumaandooska ay meydka Elad Katzir ka heleen deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, waana saddex bilood uun ka dib, markii ninkaasi laga soo duubay muuqaal uu ku codsanayay in Tel Aviv ay ka shaqeyso, sidii uu xorriyaddiisa dib ugu heli lahaa.

Ururka Islamic Jihaad ee Falastiiniyiinta ayaa 8-dii bishii January baahiyay muuqaal uu ka soo muuqday Elad Katzir, kaas oo ka hadlayay afduubka loogu haysto Gaza iyo halista ay la haysteyaasha ugu jiraan in ay ku dhintaan duqaymaha xargaha goostay ee Israel ka waddo dhulka go’doonsan.

Elad Katzir ayaa xilligaasi muuqaalka ka soo muuqday, isaga oo u muuqday mid ooynaya, mararka qaarkoodna dhalleeceynaya Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, isagoona ku riixay in uu ka masuul yahay afduubka isaga iyo daraasiinta kale ee la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Hooyada dhashay ninkan oo lagu magacaabo Hanna Katzir ayaa la sii daayay 24-kii bishii November, iyadoona ka mid noqotay Israeliyiintii lagu sii daayay wareeggii hore ee heshiiskii maxaabiis is weydaarsiga ee Israel iyo Xamaas dhex maray, halka aabihiina uu ku dhintay weerarkii 7-dii October ee ay xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta ka gaysteen dhulka ay Israel xoogga ku haysato.

Elad Katsir oo ahaa 47 jir beeraley ah ayaa farriintiisii muuqaalka ahayd Netanyahu uga codsaday in la sameeyo wareeg cusub oo maxaabiis is dhaafsi ah, si uu dib mar kale ula midoobo qoyskiisa.

“Netanyahu, fariintaydu waa adiga iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wakiilada. Waad iga tagtay. Waxaan ku sigtay inaan dhinto wax ka badan hal mar, waa mucjiso in aan weli noolahay. Waxaan rabaa inaan u sheego qoyskayga inaan aad u jeclahay, aad baana idiinku xiisay.” Ayuu Katzir ku sheegay muuqaalkiisii.

Taliska Militariga Israel ayaa hadda sheegaya in Xoogaga Islamic Jihaad ay dileen Katsir, iyaga oo soo xiganaya ilo sirdoon oo aysan faah faahin.

“Katsir waxaa dilay Islamic Jihaad.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Militariga Israel, iyadoona aanay weli wax war ah ka soo saarin Islamic Jihaad.

Israel ayaa mar sii horreysay sheegtay in ugu yaraan 35 la hayste ay ku dhinteen Gaza, iyada oo Xamaas ku eedeysay in ay ka masuul yihiin dilka dadkaasi.

Xamaas oo ka jawaabeysay eedeymahaasi ayaa sheegtay in la haysteyaasha Israeliyiinta ee geeriyooday ay ku dhinteen duqaymaha baahsan ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Ugu yaraan 130 la haysteyaal Israeliyiin ah ayaa lagu haystaa Marinka Gaza, sida uu sheegay Militariga Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc