Home Wararka Maanta Maamulka Saacid Airlines oo beeniyay in diyaaradooda ay shil ku gashay Muqdisho

Maamulka Saacid Airlines oo beeniyay in diyaaradooda ay shil ku gashay Muqdisho

by Laacib

Shirkadda Diyaaradaha ee Saacid Airlines ayaa beenisay in diyaarad ay leedahay ay maanta shil ku gashay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirkadda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Warbaahinta madaxabannaan qaybteed ay baahisay warar been abuur ah, oo ay ku sheegayeen in diyaarad ay shirkaddu leedahay ay shil ku gashay garoonkaasi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay haba yaraatee inaanay jirin wax shil ah oo diyaaradoodu ay ku gashay Garoonka Aadan Cadde.

“Been abuurkaas waa mid lagu magac dilayo shirkadda, mana jirto oo waa been aan sal iyo raad toona lahayn. Wax dhibaato ah haba yaraatee oo ay la kulantay diyaaraddu intii ay ku guda jirtay safarkeeda duulimaad, ma jirto.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Maamulka shirkadda waxa uu la wadaagaya ummadda Soomaaliyeed in jadwalka duulimaadyada shirkadda aanu waxba iska bedelin, isla-markaana ay macaamiisha u diyaariyeen adeeg dhameystiran iyo duulimaad raaxo leh.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc