Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kenya + SAWIRRO

Macluumaad la xiriira: Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kenya + SAWIRRO

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.

Booqashada Madaxweynaha ee dalkaasi oo hal maalin qaadan doonta ayaa kulan la leh Madaxweyne William Ruto, sida ay xaqiijisay Villa Somalia.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay ka arrinsanayaan iskaashiga labada dal ee la xiriira la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

“Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doono dhiggiisa dalka Kenya, Mudane William Ruto oo ay kaga arrinsanayaan iskaashiga labada dal ee ciribtirka argagixisada Al Shabaab, oo caqabad weyn ku ah horumarka, xasilloonida iyo nolosha shucuubta gobolka iyo danaha Somaliya iyo Kenya.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kenya ayaa imaanaysa, iyadoo ay maanta ku egtahay muddada ay Dowladda Somaliya u qabatay in lagu xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay Magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe.

Madaxweyne Ruto ayaa la fahamsan yahay in uu soo martiqaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, si xiisadda taagan uu dhexdhexaadin uga galo.

Ruto oo kaashanaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa muddooyinkanba waday dadaalo diblomaasiyadeed oo hoos loogu dhigayo khilaafka horaantii sanadkan ka soo kordhay Geeska Afrika, kaas oo ka dhashay heshiiskii Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay 1-dii bishii January ku gaareen Magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan ayaa Itoobiya u suurtagelinaya inay marin badeed ka hesho Badda Cas, iyadoona Villa Somalia ay si weyn uga hortimid.

Dadaalada diblomaasiyadeed ee socda ayaa la eegeya waxa ay ka bedeli doonaan khilaafka adag ee labada dal ka dhex taagan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc