Home Wararka Maanta Madaxweynaha DF oo la kulmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka (SAWIRRO)

Madaxweynaha DF oo la kulmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay doorkooda taariikhiga ah ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka, dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al Shabaab iyo qorshaha dowladda ee ka hortagga xadgudubka Itoobiya ee madaxbannaanida qaranimada iyo difaaca dhulka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa marka hore sheegay in dalku uu ku dhawaad muddo laba sano ah uu dagaal kula jiro maleeshiyada Al Shabaab, guulo la taaban karana laga gaaray.

“Maanta dhul dhan oo shalay aan xor ahayn ayaa xor ah oo nabad lagu marayaa, dhulkaas wuxuu ku xoroobay oo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulkaas, maanta ay xor ku yihiin waa dhiigga wiilasha geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed, oo ay ugu dambeeyeen kuwii uu ka mid ahaa sarkaalkeennii Suulnuug, oo ahaa geesi Soomaaliyeed oo ciidankana laga dhex yaqaanay, dadka Soomaaliyeed-na ay yaqaanaan. Allaha u naxariisto, janaddii fardowsa ahaydna Allaha geeyo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Korneyl Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abaanduulihii Guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa Sabtidii ku dhintay dagaal ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug, waxaana Axaddii lagu aasay Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho. Suulnuug ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay hoggaaminayay hawlgalka militari ee Shabaabka lagaga saarayo deegaanada ay kaga harsan yihiin koonfurta gobolkaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo sii hadlayay ayaa sheegay in dalku uu soo maray marxalado iyo duruufo kala duwan, maantana uu dalku marayo marka ay noqoto la dagaalanka Al Shabaab marxalad ka wanaagsan sidii hore.

Madaxweynaha oo is dultaagay heshiiskii is afgaradka ahaa ee Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay 1-dii bishan ku gaareen Magaalada Addis Ababa, Itoobiyana u ogolanayay inay deked ka hesho dalka ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay heshiiskaasi u arkaan in lagu soo duulay dalka Somaliya.

“Jiritaanka iyo qabka qofka Soomaaliga ah meel kasta oo caalamka kaga nool yahay ayaa lagu soo duulay. Dadka Soomaaliyeed ee deegaanka la tilmaamay ku nool ama waqooyiga Somaliya ku nool ama koonfurta Somaliya ku nool ma aha, meel walba oo shakhsi Soomaali ah joogo ayaa lagu soo duulay, waana ka jawaabeen maanta meesha ay joogto dadka Soomaalida ah meel kastoo ay joogaan way ka jawaabeen.” Ayuu hiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Gabdhaha waqooyiga Somaliya jooga, qaasatan Magaalada Hargeysa ka hadlayay ee lahaa Xasan Sheekh ma bixin karo dhulka, Muuse-na ma bixin karo, mid kale oo berri yimaadana ma bixin karo waa runtood boqolkiiba boqol (100%). Gabadhaasi waa runteed anigu ma bixin karo, Muuse Biixi-na ma bixin karo, mid kale oo berri imaan doonana ma bixin karo, maxaa yeelay shalay annagoo aan joogin ayaa dhulkan loo soo dhintay oo la soo difaacay oo la diiday in la bixiyo. Qarniga 21aad nagama suurowdo inaan bixino.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dowladda Itoobiya iyo shacabkeedaba ugu baaqay inaanay ku kadsoomin heshiiskaasi, isaga oo hoosta ka xariiqay inaysan diyaar u ahayn in dhul maanta xor ah ay dib ugu celiyaan maxmiyad.

“Dowladda Itoobiya iyo dadka reer Itoobiya dhammaan waxaan leeyahay haku kadsoomina, haku kadsoomina, ma dhaceyso dhul Soomaaliyeed oo xor ah maanta inuu xornimadiisii waayo ma dhaceyso. Ciidaan leenahay, biyahaa leenahay, duulaan kuma nihin dal kale iyo dad kale ciidooda iyo dhulkooda, kama gorgortamayno, kama macaamilayno, kamana heshiin karno taako dhulka Somaliya ka mid ah. Waxaan leeyahay marka haku kadsoomina reer Itoobiyow.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc