Home Wararka Maanta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug u tegay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo maalmaha soo socda ka furmi doona Dhuusamareeb.

Madaxweyneyaasha Hirshabelle, Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in sidoo kale ay gaaraan magaaladaasi.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegaya in Raysal Wasaaruhu uu isna ka qaybgelayo shirkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb, oo uu u joogo dagaalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc