Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Mareykanka oo la kulmay Raysal Wasaaraha Israel (SAWIRRO)

Madaxweynaha Mareykanka oo la kulmay Raysal Wasaaraha Israel (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa maanta gaaray Magaalada Tel Aviv, xilli Israel lagu eedeeyay in ay duqayn ka gaysatay isbitaal ku yaala Marinka Gaza, ayna ku dhinteen dad tiradooda lagu sheegay 500 oo qof.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Israel u tegay, sidii uu ugu muujin lahaa taageerada Mareykanka ee maamulkaasi.

Madaxweynaha oo la kulmay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa kala hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay gobolka iyo sida uu Mareykanku ugu garab taagan yahay in Tel Aviv ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Madaxweynaha ayaa Israel ku taageeray diidmadeeda ah inaanay ku lug lahayn weerarka dhinaca cirka ee xalay loo gaystay Isbitaalka Al-ahli Arab ee Gaza, isagoona sheegay in koox kale ay ka dambeysay weerarkaasi, balse aanay Israel gaysan.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Madaxweyne Biden kaga mahadceliyay taageerada dowladdiisa ee Israel.

Madaxweyne Biden ayaa la sheegaya inaanu ka shaqayn doonin joojinta dagaalka, balse uu gacan ka gaysan doono, sidii gurmadka bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa Gaza iyo sii deynta maxaabiista ay gacanta ku hayaan Xoogaga Xamaas.

Mareykanka ayaa dhawaan laba markab oo kuwa diyaaradaha xambaara ah u soo diray Israel, si dowladaha kale ee gobolka aanay ugu lug yeelan dagaalka.

Dowladaha Islaamka oo ay ugu horreyan kuwa Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka isbitaalka, oo la aaminsan yahay in Israel ay ka masuul ahayd.

Duqayntan iyo taageerada weyn Mareykanka ee Israel ayaa ka sii careysiineysa bulshada gobolka, waana xilli ay sii kordheyso baqdinta laga qabo in dagaalku uu fido.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc