Home Dhacdooyin Madaxweynaha Masar oo ku dhawaaqay in dalkiisu uu lumiyay kala bar dakhligii Kanaalka Suweys

Madaxweynaha Masar oo ku dhawaaqay in dalkiisu uu lumiyay kala bar dakhligii Kanaalka Suweys

by Laacib

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in dalkiisu uu lumiyay qiyaastii kala bar dhakhliga kaga soo xarooda Kanaalka Suweys, xilligan oo ay taagan tahay xiisadda Badda Cas.

Madaxweynaha ayaa Isniintii sheegay in Masar ay toban bilyan oo dollar ($10B) sanadkiiba ka heli jirtay Kanaalka Suweys, balse xiisadda Badda Cas ay caqabad ku noqotay dakhligii ka soo geli jiray kanaalkaasi.

“Kanaalka Suweys waxa uu Masar ugu deeqaa $10 bilyan sanadkii, laakiin dakhligiisu waxa uu hoos u dhacay 40-50%, muddada ay xiisadda ka jirto Badda Cas.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ka hadlayay furitaanka bandhigga sanadlaha ah ee tamarta Masar oo ka furmay Qaahira ayaa sheegay in dalku uu wajahayo caqabado waaweyn oo ka dhashay duulaanka Israel ee Gaza, colaadaha Libya, Suudaan, Ruushka iyo Ukraine.

“Waxaas oo dhan waxay dhacayaan, iyadoo Dowladda Masar ay ka go’an tahay inay fuliso waajibaadkeeda shirkadaha shidaalka, horumarinta la hawlgalayaasha iyo hay’adaha maaliyadda.” Ayuu yiri Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi.

Kanaalka Suweys oo loo tixgeliyo mid ka mid ah marin biyoodyada ugu muhiimsan adduunka ayaa ah marinka ugu gaaban ee maraakiibta isaga kala goosha Yurub iyo Aasiya, waana mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee lacagaha qalaad ee Masar.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in gaadiidka badda ee ka gudba kanaalkaasi ay hoos u dhaceen boqolkiiba laba iyo afartan (42%).

Shiinaha waa dalka ugu weyn ee wax dhoofiya, waana dalka ay saamaynta ugu badan ku yeelanayso, mar kasta oo gaabis uu ka jiro isu socodka Badda Cas.

Shiinaha oo 2-dii bishan walaac xoogan ka muujiyay xiisadda cirka isku sii shareertay ee ka jirta Badda Cas ayaa sheegay in ay la xiriirto colaadda Gaza, loona baahan yahay in si degdeg ahi wax looga qabto duulaanka Israel ee Gaza.

Gaadiidka badda ayaa ah laf dhabarta marinada ganacsiga ee Shiinaha iyo Midowga Yurub, oo 90% ka ah ganacsigooda, iyadoo carqaladeynta marinka Badda Cas illaa kanaalka Suweys ay sidoo kale kala dhantaaleyso ganacsiga Yurub.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa wacad ku maray inay u sii xirnaan doonto Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, illaa iyo inta ay Israel ka soo afjareyso ololaheeda militari ee ka dhanka ah dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc