Home Wararka Maanta Madaxweynaha oo ka hadlay xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha oo ka hadlay xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray bayaan uu kaga hadlayo xiriirka dowladdiisa kala dhaxeeya Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa 16-kii bishan April shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Madaxweynaha oo muddeeyay in shirka uu qabsoomi doono 20-21 bishan ayaan qabsoomin, ka dib markii Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood aysan iman Magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Puntland oo kale si toos ah ayay u qaadacday ka qaybgalka shirkaasi, maadaama Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu khilaaf kala dhaxeeyo Madaxda Dowladda Federaalka, balse waxay dadku su’aalo iska weydiinayeen sababta aysan shirka u soo ajiibin madaxdii kale ee aan iman Muqdisho.

Xafiiska Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa habeenkii Jimcaha sheegay in shirka dib loogu dhigay arrimo farsamo awgood, dibna loo dhigay muddo kooban, oo aan la cayiman.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in uu meeshii ugu hooseysay gaaray xiriirka Villa Somalia iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, maadaama Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay kulmi jireen, iyadoo uu ka maqan yahay Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Deni ayaan ka qaybgelin saddexdii shir ee ugu dameysay ee uu goluhu yeeshay.

Haddaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray bayaan u qornaa sidatan:-

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya Dowlad Goboleedyada, iyadoo saldhig uga dhigeysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, si loo dardargeliyo fulinta ajandeyaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkeynta amniga dalka, dhameystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaaleynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada dalka hayay, Dowladda Federaalku waxay ka miro-dhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii muddo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la dagaalanka Khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarneyd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dib-u-eegista lagu dhameystirayo Dastuurka J.F.S, iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo uruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladdu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wadatashiga lagu dhameystirayo Dastuurka Dalka, si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan, ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah, kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.

Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dowladda Federaalku dadaal fara-badan ku bixisay hagaajinta xiriirka wada shaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada, si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku saleysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dowladda Federaalku in ay sii waddo dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso xiriirka Dowladda Puntaland, si dadka Soomaaliyeed u hantaan d0wlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda dowladnimo.

Haddaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an, sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wada shaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka, si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bani’aadanimada, iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad Goboleedyadu.

Ugu dambayn, anigoo gudanaya xilkayga dastuuriga, ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka, waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in Dowlad Goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee Dowladnimada Soomaaliyeed, sida midnimada iyo wadajirka dalka, madaxbannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee dalka, amniga dalka iyo badqabka muwaadinka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc