Home Wararka Caalamka Madaxweyne Abbas “Waxaan diyaar u nahay inaan la wareegno Marinka Gaza”

Madaxweyne Abbas “Waxaan diyaar u nahay inaan la wareegno Marinka Gaza”

by Laacib

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in uu la wareego masuuliyadda Marinka Gaza ee dagaaladu ay ka socdaan.

Iyadoo Ciidamada Israel ku dhawaad muddo laba toddobaad ah ay hawlgalo dhulka ah ka wadaan qaybo ka mid ah Gaza, oo ay kula dagaalamayaan Xoogaga Xamaas ayaa waxaa soo xoogeysanaya weydiimaha ku aaddan, sida uu noqon karo mustaqbalka Marinka Gaza, ka dib marka uu dagaalku dhammaado.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa doonaya in Israel ay Gaza ku wareejiso Hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ee waxa lagu sheegay nabadda jecel, kolka ay hadafkeeda ka gaarto dagaalka Xamaas.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in la wareegistooda Gaza ay noqoneyso xal siyaasadeed oo loo helo Daanta Galbeed ee la haysto, Bariga Qudus iyo Gaza.

“Gaza waa qayb muhiim ah oo ka mid ah Dowladda Falastiin, waxaana si buuxda u qaadan doonnaa masuuliyadayada qaab dhismeedka xal siyaasadeed oo dhameystiran, oo ka kooban Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Gaza.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa dhalleeceeyay weerarada baahsan ay Israel ka waddo Marinka Gaza iyo barakacinta khasabka ah ay ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ee halkaasi ku nool.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inaanu xalka ku jirin cudud militari, balse dunida looga baahan yahay in ay si dhab ah ugu istaagto, sidii loo heli lahaa laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Isku daygii ugu dambeeyay ee la doonayay in lagu xaqiijiyo laba dowladood oo Israel iyo Falastiiniyiinta ay leeyihiin ayaa dhicisoobay sanadkii 2014, inkastoo ay jiraan dalal ku baaqaya in dib loogu soo laabto geeddi-socodka nabadda.

Mahmoud Abbas, Madaxweynaha Falastiiniyiinta ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay shir nabadeed oo caalami ah, kaas oo lagu muddeynayo xilliga la yegleelayo dowlad ay dadka reer Falastiin leeyihiin, lana helo damaanad qaadyada caalamiga ah, si xal loogu helo rabshadaha ku soo noqnoqday Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc