Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo xilka ka qaaday Wasiirkii Amniga, Cabdisamad Maxamed Gallan

Madaxweyne Deni oo xilka ka qaaday Wasiirkii Amniga, Cabdisamad Maxamed Gallan

by Laacib

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xilka ka qaaday Wasiirkiisii Amniga, Cabdisamad Maxamed Gallan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu Xeer Madaxweyne xilka kaga qaaday Wasiir Kuxigeenkii Arrimaha Gudaha, Cabdiweli Mire Xirsi.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu garowsaday inuu xilka ka xayuubiyo labadaasi Wasiir, ka dib markii uu ku eedeeyay xil gudasho la’aan.

Madaxweynuhu ma soo magacaabin xubnihii kale ee bedelii Wasiiradaasi.

“Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa, markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.” Ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni.

Puntland ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay wajaheysay xiisad siyaasadeed, ka dib markii Golaha Wasiirada ay 4-tii bishii May ansixiyeen in tirada xisbiyada siyaasadda ee Puntland laga dhigo shan, halka ay markii hore saddex ka ahaayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc