Home Wararka Maanta Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland oo ka degay Gobolka Gedo (SAWIRRO)

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland oo ka degay Gobolka Gedo (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka oo ay qayb ka yihiin xubno ka mida Labada Gole ee Jubbaland, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu), maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

“Madaxweyne Kuxigeenka ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, isagoo dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo gobolka laga fulinayo.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa noqonaya masuulkii ugu sarreyay ee Jubbaland oo gaara degmadaasi, muddo sanado ah.

Luuq ayaa ka mid ahayd Degmooyinka Gobolka Gedo ee sida weyn looga diidanaa Maamulka Jubbaland. Degmada Ceelwaaq ayaana ahayd degmada qura ee gobolka ee ay Madaxda Jubbaland galaangalka ku lahaayeen.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Kuxigeenkiisa 1aad ayaa la xusuustaa in bishii April ee sanadkii hore ay gaareen Degmada Ceelwaaq, markaas oo ay ka socotay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo laga soo wareejiyay dhanka Magaalada Garbaaharey, ka dib khilaaf hareeyay qabsoomidda doorashadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc