Home Wararka Maanta Madaxweyne Laftagareen iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Degmada Diinsoor (SAWIRRO)

Madaxweyne Laftagareen iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Degmada Diinsoor (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay wehliyaan masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Diinsoor.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira dardargelinta wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Laftagareen.

“Safarka Madaxweyne Laftagareen ayaa ku saleysan dardargelinta qorshaha wejiga labaad ee hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabaab iyo wax ka qabashada baahiyaha ka jira Degmada Diinsoor.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka ayaa gadaal ka riixeysa, sidii hawlgalka dib-u-xoreynta dalka looga bilaabi lahaa deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc