Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad guddoonsiiyay orodyahan Cabdullaahi Jaamac (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad guddoonsiiyay orodyahan Cabdullaahi Jaamac (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay munaasabad ay dowladdiisu ku dhiirigelineysay orodyahanka Cabdullaahi Jaamac Maxamed, oo dhawaan ku guuleystay billadda qalinka ee tartanka orodka 5000 mitir ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana.

Madaxweynaha ayaa orodyahanka ku maamuusay billadda ugu sarreysa ciyaaraha dalka oo uu ku mutay guusha uu u soo hooyay dalkiisa.

Madaxweynaha ayaa orodyahan Cabdullaahi Jaamac ku ammaanay, sida kartida, wadaniyadda iyo kalsoonida leh ee uu fagaareyaasha caalamiga ah ugu metelay dalkiisa, isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay.

“Cabdullaahi Jaamac waxa uu ka mid yahay xidigaha u soo iftiimaya qaranka. Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in Cabdullaahi gaari doono hiigsigiisa waqti dhow, si la mid ah halyeey Cabdi Bile Cabdi, waxa ayna dowladdiisu ku abaalmarin doontaa wax kasta oo ay awooddo.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhiirigelinta iyo taageerada orodyahan Cabdullaahi Jaamac, si mustaqbalka dhow uu guulo ka sarreya middan ugu soo hoyo qaranka.

Guushan uu Cabdullaahi Jaamac u soo hooyay dalka ayaa ah mid taariikhiya, oo dhiirigelin u noqon karta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo ciyaaraha fudud ee dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc