Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Kumaandooska Danab (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Kumaandooska Danab (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay ciidan ka tirsan Xoogaga Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa Madaxtooyada Qaranka casho sharaf ugu sameeyay ciidankan, oo dhawaan ka qaybgalay dhoola-tus militari oo ciidamo ka socday 23 dal ay ku sameeyeen dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa Kumaandooska Danab ku bogaadiyay kartida, aqoonta, xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay u soo hooyeen qarankooda.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa ciidamadan kula dardaarmay in ay u dhaqaaqaan waajibka qaranimo ee ka saaran xoreynta dalka, isla-markaana ay qaybtooda ka qaataan dardargelinta hawlgalada dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Danab waa ciidan dhinaca dhulka oo loo tababaray la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab, waxaana lagu tilmaamaa mid ka mida ciidamada gaarka ee ay maanta Somaliya leedahay.

Saraakiil ka tirsan Militariga Mareykanka ayaa Ciidanka Danab ku tababara saldhigga ay ku leeyihiin Xerada Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Xoogaga Danab ayaa la hawlgala Ciidamada Mareykanka ee dalka ku sugan, kuwaa oo inta badan Gobolada Koonfurta & Bartamaha ka fuliya weerarada xagga cirka ee lagu bartilmaameedsado horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Shabaabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc