Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay magacaabista Taliska cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay magacaabista Taliska cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay wareegtada ay Golaha Wasiirada ku soo magacaabeen Taliyaah cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ansixiyay magacaabista Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, oo noqonaya Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka.

“Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo argagixisada Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri war caawa ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha Cusub Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al Shabaab iyo dib-u-dhiska CXD.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc