Home Wararka Caalamka Madaxweyne Zelenskyy “Ruushku ma qabsan Magaalada Bakhmut”

Madaxweyne Zelenskyy “Ruushku ma qabsan Magaalada Bakhmut”

by Laacib

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa beeniyay in Ciidamada Ruushka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta magaalada bariga dalkaasi ku taalo ee Bakhmut.

Madaxweynaha Ukraine oo Axaddii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hiroshima ee dalka Japan ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay in ciidamadiisa laga soo saaray magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Ukraine ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada, isla-markaana ay la dagaalamayaan Ciidamada Ruushka iyo xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner.

“Magaalada Bakhmut oo uu ka dhacay dagaalkii ugu muddada dheeraa, uguna dhiig daadashada badnaa, illaa hadda Ruushku ma qabsan.” Ayuu yiri Madaxweyne Zelenskyy.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa Bakhmut la barbar dhigay Magaalada Hiroshima, oo uu Mareykanku ku dhuftay bam atomic ah, dhammaadkii dagaalkii 2aad ee adduunka. Madaxweynaha ayaana ballanqaaday in dib u dhis ballaaran lagu samayn doono Bakhmut, kolka dib looga riixo Ruushka.

Volodymyr Zelenskyy, Madaxweynaha Ukraine oo uu wehliyo Raysal Wasaaraha Japan, Fumio Kishida ayaa ubax dhigay Beerta Xusuusta Nabadda ee Hiroshima.

Madaxa Xoogaga Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa shacabka Ruushka u sheegay in Ciidamada Ukraine laga suuliyay gebi ahaanba Magaalada Bakhmut ee Gobolka Donetsk.

Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya Calanka Ruushka oo ka babanaya saqafka sare guri ku burburay dagaalada.

Bakhmut ayaa tan iyo bishii January ku suntaneyd xudunta dagaalka ee dalkaasi, iyadoona uu labada dhinac ku dhex maray dagaalkii ugu qaraaraa, tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc