Home Wararka Caalamka Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka horyimid qorshaha ay Israel dib ugu qabsaneyso Gaza

Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka horyimid qorshaha ay Israel dib ugu qabsaneyso Gaza

by Laacib

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ka horyimid qorshaha socda ee ay ku Israel ku dooneyso in dhowr iyo toban sano ka dib ay dib ugu la wareegto amniga guud ee Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku goodiyay in Israel ay damaanad ahaan ula wareegi doonto amniga guud ee Marinka Gaza, kolka uu dhammaado dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas.

Raysal Wasaaraha ayaa Isniintii sheegay in Tel Aviv ay amniga Gaza gacanta ku hayn doonto sida uu yiri illaa waqti aan la cayimin, iyagoo markaasi ka hortaggaya weerarkii 7-dii October oo kale.

“Israel waxa ay yeelan doontaa masuuliyadda guud ee amniga Gaza, muddo aan la cayimin, marka uu dagaalku dhammaado, sababtoo ah waxa aynu aragnay waxa dhacaya.” Ayuu yiri Netanyahu.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo ka falcelinayay warka ka soo yeeray Netanyahu ayaa uga digay in Israel ay dib u soo cusbooneysiiso qabsashadeedii Marinka Gaza.

Wasiirka oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Tokyo ayaa sheegay in Mareykanku uu Israel ku taageerayo inay meesha ka saarto Xamaas, balse aanu ku taageeri doonin in ay dib ula wareegto Gaza.

“Israel ma qabsan karto Marinka Gaza, way iska caddahay inaysan qabsan karin. Hadda xaqiiqdu waxay tahay in ay jiri karto baahi loo qabo muddo kala guur ah, dhammaadka iska horimaadka.” Ayuu yiri Wasiirka.

Blinken ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Marka Xamaas laga adkaado, dadka Falastiiniyiinta waa inay iyagu la wareegaan Maamulka Gaza iyo xitaa Daanta Galbeed.”

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, James Cleverly ayaa sheegay in loo baahan yahay in Israel ay awoodda ku wareejiso Hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ee nabadda jecel, sida uu yiri.

Washington iyo London ayaa Tel Aviv ka dalbanaya in ay wareejiso maamulidda Gaza, marka ay gaarto hadafkeeda ah in la ciribtiro Xamaas.

Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe ayaa si adag u cambaareeyay barakacinta khasabka ah ee ay Israel ka waddo Gaza, taas oo ay u arkaan qorshe ay ka leedahay dhul ballaarsi.

Ciidamada Israel ayaa bishii September ee sanadkii 2005 isaga wada baxay Marinka Gaza, ka dib ku dhawaad 40 sano oo ay xoog ku haysteen. Xilligaasi waxay magaalada ku wareejiyeen Maamulka Falastiiniyiinta, inkastoo ay Xamaas kala wareegtay bishii June ee sanadkii 2007.

Israel ayaa tan iyo xilligaa ahayd cidda go’aanka ka gaareysa cidda imaaneysa iyo cidda kale ee ka baxeysa Gaza, iyadoona weli ay Israel gacanta ku hayso maamulka hawada iyo badda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc