Home Wararka Caalamka Mareykanka oo ay khasab ku noqotay in ciidamadiisa uu kala baxo dalka Niger

Mareykanka oo ay khasab ku noqotay in ciidamadiisa uu kala baxo dalka Niger

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa u muuqato mid ay khasab ku noqotay in ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Niger, ka dib cadaadis xoog leh oo ka soo wajahay Taliska Militariga ee la wareegay talada dalkaasi.

Taliska Militariga Niger oo sii wada cadaadiska ay Mareykanka ku saarayaan in ciidamadiisa uu kala baxo dalkaasi ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay soo afjareen heshiiskii militari ee Mareykanka uu kula jiray Niger, ka dib afgembigii bishii July ee sanadkii hore ay xilka kaga tuureen Madaxweyne Mohamed Bazoum.

General Patrick Ryder, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in Washington ay wafdi u direyso Niamey, si labada dhinac ay uga wada hadlaan qorshaha ka bixitaanka Militariga Mareykanka ee Niger.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in wafdiga tagaya dalkaasi uu noqon doono mid kooban, oo ay qayb ka yihiin Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Waxa uu sheegay in wada hadalada lagu qorsheyn doono qaabka ay Ciidamada Mareykanka uga soo baxayaan dalkaasi ku yaala Afrikada Galbeed.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Niger ayaa tiradooda lagu sheegaa kun iyo boqol (1,100) askari, waxayna dalkaasi ku leeyihiin laba saldhig, oo uu ku jiro Saldhigga Cirka ee Air Base 201, kaas oo qiyaastii 5km u jira Magaalada Agadez.

Saldhiggan oo Mareykanku uu dhisay ayaa waxaa ku baxday oo lagu dhisay boqol milyan oo dollar ($100M). Mareykanka ayaana saldhiggan u adeegsan jiray hawlgalada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta.

Reer galbeedka ayaa iskaashi dhow la lahaa Militariga Niger, intii uu xukunka hayay Madaxweyne Mohamed Bazoum, oo xilka laga tuuray 26-kii bishii July ee sanadkii 2023.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa Madaxweyne Bazoum u arkaayay saaxiib muhiim ah, si dhowna uga la shaqeynayay dadaalada ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan faafitaanka kooxaha Islaamiyiinta ee ka jira Galbeedka Afrika.

Mareykanka, Faransiiska iyo Dowladdii Madaxweyne Bazoum ayaa iskaashi ka lahaa la dagaalanka Jihaadiyiinta Gobolka Saaxil ee Afrika.

Bazoum ayaa xilka hayay, intii u dhaxeysay 2-dii bishii April ee sanadkii 2021 illaa 26-kii July ee sanadkii 2023.

Bazoum ayaa la wareegay talada dal ay ka jiraan faqri iyo xasillooni darro. Bazoum ayaa ahaa Madaxweynihii keliya dalkaasi ee sida dimoqraadiga ah lagu soo doortay.

Hoggaamiyaha Militariga Niger ee afgembiga sameeyay, General Abdourahamane Tchiani ayaa xiriirkii ay la lahaayeen reer galbeedka u weecinaya dhanka Ruushka.

Moscow ayaa Militariga Niger ka taageereysa tababarka ciidamada iyo weliba qalabeyntooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc