Home Wararka Maanta Mareykanka oo digniin ka soo saaray weerar ka dhici kara Garoonka Aadan Cadde

Mareykanka oo digniin ka soo saaray weerar ka dhici kara Garoonka Aadan Cadde

by Laacib

Mareykanka ayaa ka digay halis amni oo ku soo wajahan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi ayaa caawa sheegtay inay heshay xog sheegeysa in weeraro ka dhici karaan dhowr goobood oo ku yaala Caasimadda Muqdisho, uuna ku jiro Garoonka Aadan Cadde.

Safaaradda ayaa qoraal ku sheegtay in darajada heerka 4aad ee lagu qiimeeyo safarada dibadda ay muujineyso inay dhici karaan fal dembiyeedyo, sida falal argagixiso, rabshado abaabulan, afduub amaba falal burcad badeednimo.

Darajadan waa halbeeg la talin ah oo ay adeegsato Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, iyadoo muwaadiniinta looga digayo inaanay u safrin goobaha ay wax ka dhici karaan.

Safaaradda oo si dhab ah u qaadatay heerka halista soo wajahan ayaa ku dhawaaqday in Talaadada berrito ah la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii Shaqaalaha Safaaradda Mareykanka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, iyadoo Mareykanku uu Safaarad KMG ah ku leeyahay gudaha Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan qaybta Xalane.

Qoraalka Safaaradda ayaa muwaadiniinta Mareykanka loogu sheegay inay qaadaan tallaabooyin ay uga taxadarayaan suurtalnimada in weeraro dhici karaan.

Dhanka kale ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in caweyskii caawa la adkeeyay amniga Garoonka Aadan Cadde.

Digniintu waxay imaanaysaa maalmo uun ka dib, markii Agaasime cusub loo magacaabay Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc